Prosper Portland, oo ah wakaalad ka shaqeysa hormarinta dhaqaalaha iyo magaallada ee Magaalada Portland, waxay sida ugu habboon ugu diyaarsan tahay u adeegsiga lacagaha ujeedooyinkaas, inkasta oo aan aqoonsan nahay in baaxada codsiyada Reimagine Oregon ay balaaran tahay. Hase yeeshee, hormarinta dhaqaalaha ayaa aasaas u ah noocyada kale ee badan ee maal gelinnada loo siman yahay, waana mid kamid ah sababta aan isticmaalka lacagta uga dhignay mid “isbadeli karta.”

Tilmaamaha Maamulka Deeqda ayaa u sahlaysa Prosper Portland inay dhaqan geliso higsiyada soo socdaa Advance Portland:

  • Higsiga 2 aad: Kor u qaadista abuurista dhaqaale loo siman yahay ayadoo la taageeraayo ganacsiyada yaryar ee ay leeyihiin BIPOC iyo hal abuureyaasha ganacsiga si loo bilaabo loona kobciyo ganacsiyada ayadoo la adeegsanaayo iskaashi, lacag, iyo taageerada ku haboon.
  • Higsiga 3 aad: Kobcinta Faras magaale casri ah iyo deegaannada ganacsiga xaafadaha oo leh istaraatiijiado dib loogu habaynaayo laguna soo noolaynaayo xarumaheena ganacsiga iyo marinnada kuwaasoo tiirar adag u ah shaqada, ganacsiga yaryar, madadaallada, iyo hawlaha dhaqanka.