Markay taariikhdu tahay Nufeembar 8, 2016, codbixiyaasha Portland ayaa ansixiyay Sharciga Loo codeeyay ee 26-180, kaasoo abuuray canshuur sadex boqolkiiba ah oo la saaray iibabka xashiiska ka baxsan kuwa caafimaadka gudaha Magaalada Portland. Dakhiga kasoo xarooda Canshuurta Xashiiska Baashaaka (RCT) ayaa loo qoondeeyay daawaynta daroogada iyo khamriga, maal gelinnada badqabka dadwaynaha, iyo taageerada ganacsiyada yaryar ee xaafada.

Ilaa sanad miisaaniyadeedkii (FY) 2018-19, Prosper Portland ayaa heshay qoondo sanadle ah oo kamid ah dakhliga RCT si ay u taageerto shaqooyinka hormarinta dhaqaalaha bulshada iyo barnaamijyada si waafaqsan Xeerka Magaalada Portland 6.07.145, kaasoo qeexata in dakhliga canshuurta la saaro xashiiska loo adeegsan karo in “taageero la siiyo ganacsiyada yaryar ee xaafada, gaar ahaana ganacsiyada ay leeyihiin haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay, ayna ku jiraan laakiin kuma koobna barnaamijyada gudaha ganacsiga, tababarka maamulka, iyo fursadaha tababarka shaqada; siinta fursad dhaqaale iyo waxbarasho bulshooyinka saamaynta xun kasoo gaartay mamnuucida xashiiska.”

Sanadkii 2020, Dawlada Hoose ee Magaallada Portland ayaa u istaagtay taageerista Reimagine Oregon, kaasoo ku biloowday mashruuc gobalka oo dhan ah ayna abuureen ururada iyo shaqsiyaadka Madoowga ah kana shaqeeya baabi’inta isir nacaybka caadada u noqday Oregon, ayadoo siisay ku dhawaad $1,500,000 kamid ah dakhiga RCT sanad kasta. Maal gelin barnaamijkaan waxaa biloowgii hore lagu bixin jiray Xafiiska Magaallada ee Bulshada iyo Nolosha Madaniga ah, laakiin sanadkii 2023, Dawlada Hoose ayaa u wareejisay maamulka deeqaha sanadlaha ah ee barnaamijka Reimagine Oregon, iyo maal gelin dhan $4,800,000 oo halmar ah, Prosper Portland si loogu daro miisaaniyad sanadeedka (FY) 2023-24.